Somaliland ayaa sheegtay in anay jeclaysan warbixintii ay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Khamiistii kaga warbixisay burburka uu dagaalku u gaystay xarumaha caafimaadka Laascaanood.
“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxa lagu sheegay in Somaliland ay ku dadaashay in ay gargaar aadaminimo gaadhsiiso shacabka colaada ku barakacay, isla markaana loo baahanyahay in WHO la shaqayso xukuumada Somaliland.
“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa Khamiistii sheegtay in duqaymo lala beegsaday qaar kamid ah xarumaha caafimaadka Laascaanood ay dhibaato soo gaadhsiiyeen adeegyada caafimaadka.