Home Afsomali Ciidanka Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo...

Ciidanka Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gabaad u ahaa AS  kuwaas oo hoostaga dagmada Galcad

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gabaad u ahaa AS  kuwaas oo hoostaga dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud .
Degaanada howlgallada laga sameeyey ayaa kala ahaa Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo Cowsweyne waxeyna Bariga kaga began yihiin degmada Galcad.
Ciidanka oo kaashanayey shacabka ayaa burburiyey fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanadaas iyaga oo sidoo kale wadooyinka ka soo saaray Miinooyin deegaanada howlgallada laga sameeyey.
Saraakiisha hogaamineeysay howlgalkan ayaa sheegay inay kawar heleen dhagarta Khawaarijta ay u soo maleegayaan shacabka taasoo keentay in howlgaladaan la laga fuliyo deegaanadaan hoos yimaada Galcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.