Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Axaddii lagu qaadah xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ku taala gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada askartii ku geeriyootay weerarlaasi, isaga oo ku dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarkan uu yahay mid fuleynimo ah, isla-markaana ay ka xun tahay dowladda Soomaaliya.
Xamza, sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa, maadaama uu tuhun xoogleh ka dhashay in la fudeeyay weerarkaas oo lagu beesaday xero muhiim ah.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo lagu dilay ugu yaraan 25 askari, halka lagu dhaawacay in ka badan 60 kale oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.