Home Afsomali Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho Mudane Xamse Warfaa...

Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho Mudane Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka

Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho Mudane Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo maanta dalka soo gaaray.
Xamse Warfaa ayaa ah masuulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay Madaxweyne Joe Biden 2022.
Ujeedka Socdaalka uu Xamse ku yimid dalka ayaa daaran sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, isla markaasna uga shaqeyn lahaa sare-u-qaadidda danaha ka dhaxeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.
la taliye Xamse ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada Aqal, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna ku Simaha Xoghayaha iyo masuuliyiin kale.
+15
All reactions:

199

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.