Home Afsomali Dowlada mareykanka oo xildhibaanada Goha baarlamaanka ka codsay in ay Ansixiyaan xukuumada...

Dowlada mareykanka oo xildhibaanada Goha baarlamaanka ka codsay in ay Ansixiyaan xukuumada Curdanka ah ee lXasan Kheyre ku dhawaaqay

Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweysay magacaabista golaha wasiirada cusub ee Somalia.Qoraal lagu baahiyay barta twitterka ee safaarada Mareykanka ee Somalia.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Mareykanku bogaadinayo Ra’iisulwasaare Xasan dedaalka uu ku bixiyay sida deg dega ah ee udhisay xukumada iyo in la dedejiyo awood uyeelida xukumada cusub si ay wax uga qabato duruufaha bini aadamnimo iyo kuwa amni ee dalka haysta.

Qoraalka ayaa sidoo kale baarlamaanka looga codsaday in si dhakhsa ah u ansixiyo xukumada cusub.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu la dhacsan yahay lixda dumarka iyo qaarka kale ee kasoo jeeda dadka laga tirada badan yahay ee ka dhex muuqda golaha wasiirada wuxuuna tilmaamay inay tahay talaabo mudan in lasoo dhaweeyo muujinaysana xukumad wadamatali karta dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn,Mareykankun wuxuu xusay inuu xukumada cusub kala shaqeyn doono sidii lagu gaadhi lahaa Somalia oo nabad ah barwaaqana ah.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.