Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Dalka dib ugu soo laabtay lamana oga...

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Dalka dib ugu soo laabtay lamana oga natiijada safarkoodii

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi ee dalka Ethiopia iyo Kenya.

Wadahadalladii magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi halkaas oo ay ku kulmeen Madaxwaynaha Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya, iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal

Previous articleVIDEO RW kheyre oo soo xirey shir ay ka maqan yihiin ururada haweenka qaranka iyo kuwa maamulada
Next articleFarmaajo OO saxiixay dib ugala Noqoshada Dacwada bada ee Hague Maxkamada Aduunka Sida uu sheegay Ethiopia TV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.