Ciidanka XDS gar ahaan Ururka 3aad Ee Holac Guutada Cumar Bin khadaab ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay Deegaanka Geerille oo ku yaala gobolka Galgaduud una dhaxeeya deegaanada Baraak Sheikh Caamir iyo Xuseen Cagey .
Howlgalkaan ayaa waxaa Hogaaminayay Taliyaha Ururka 3aad Ee Holac Taliye Abshir Guutaale, waxayna ciidanku kula wareegeen godadkii ay khawaarijtu kaga dhuumaalaysanyeen howdka deeganka gerrille kaas oo ay dadka shacabka ku dhibaatayn jireen .
Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa wada howlgallo joogta ah kuwaas oo looga hortagayo dhibaatada ay khawaarijtu u soo maleegaan shacabka soomaaliyeed.