Home Afsomali Dowladda Somalia oo dalka ka Mamnuucday Tiktok, Telegram & 1XBET (Wareegto)

Dowladda Somalia oo dalka ka Mamnuucday Tiktok, Telegram & 1XBET (Wareegto)

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney dalka ka mamnuucday aaladaha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS  Jaamac Xasan Khaliif ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 24ka bishan dalka laga mamnuucay saddexaas aaladood.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

“Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalin lahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda

Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS waxa ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaankara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.