
Gobollo badan oo dalka ka mid ah ayaa la so warinayaa in ay ka da.een roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada .
Gobolada ayaa horey u saameysay abaaraha ba.an ee xaalufiyey daaqii ka dibna ay xoolihii raaceen
Dhulka rahmada alle ku hoortay ayaa waxaa ka mid ah deegaanada maamulka soomaaliland iyo qeybo ka tirsan puntland waxaana haatan uu soo gaaray galmudug iyo hirshabeele iyo koofur galbeyd
Roobkii ugu danbeeyey ayaa ku hoorey magaalooyinka baydhabo degmada Mahaday iyo deegaanada ku dhow dhow sida deegaanka Iji,Oobaale, Caadley,Ceelbaraf,Cali Fooldheere,Dhurwayle iyo deegaano kale.
Wararka ayaa waxaa ay ku darayaan in sidoo kale roobka uu ka da’ay deegaano dhinaca galbeed iyo dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar sida tuulada Libiga,Xaanshooley,Dhaaygawaan,dhumaley iyo qaar kale.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka jirey gobolka Sh/dhexe kuleyl heerkulkiisu uu meelaha qaarkood ku dhowaanayay 40degree. Deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa xoolo dhaqatada waxa ay ka hayaameen deegaanadoodii iyagoo miciin bidey hareeraha wabiga Shabellle.
Bilihii la soo dhaafay ayaa jiilaal adag uu ka jirey guud ahaan dalka Soomaaliya waxaana dhowaan laga sameeyay inta badan dalka roob doon Alle loogaga baryayo in uu kuleylka ka saaro uuna ummadiisa raxmad kheyr qabta u keena.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0