Home Afsomali Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Bihi Iman Egeh ayaa...

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Bihi Iman Egeh ayaa maanta shir-gudoomiyay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Bihi Iman Egeh ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka toddobaad laha ah ee barnaamijka dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Dalka oo maanta looga wada-hadlay u diyaar garowga shirka Deyn-Cafinta ECF ee la qabanayo bartamaha Bisha September ee Sanadkan 2023-ka.
Shirkaan toddobaad laha ah waxaa inta badan ka soo qeybgala Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Bangiga Dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waxaana badanaa looga arrinsadaa fulinta iyo dhameystirka shuruudaha Barnaamijka Deyn-Cafinta Soomaaliya oo la filayo in bisha December ee dabayaaqada Sanadkan la gaaro barta kama dambeysta ah ee (Completion Point).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.