Home Afsomali Weerar dhimasho badan geystay oo ka dhacay deegaanka Baraag Cali gaduud

Weerar dhimasho badan geystay oo ka dhacay deegaanka Baraag Cali gaduud

Deegaanka Baraag Cali gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen ciidamada xoogga dalka waxaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha DF

Howlgalkaan Qorshaysan ayaa yimid ka dib markii ay heleen ciidamada xog sheegaysa in halkaasi ay dagan yihiin al-shabaab ayna isku aruursanayaan iyadoo ciidanka ay soo afjareen raggii goobta ku sugnaa oo dhamaantood lagu laayay.

Guddoomiyaha degmaada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in howlgalku ahaa mid qorshaysan oo looga sifaynayay haraadiga al-shabaab ee isku dayaya inay isku urursadaan deegaannadda hoos taga gobolka Mudug.

Degmada Xarardheere ayaa tan iyo markii laga saaray al-shabaab waxay ka soo kabaneysay dhibaatooyinkii ay u geysteen intii ay gacanta ugu jirtay Al-shabaab sida uu sheegay gudoomiyaha degmadaas.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.