Home Afsomali 11 masuul oo xilal ka haayey dagmada hodan loona heysto in ay...

11 masuul oo xilal ka haayey dagmada hodan loona heysto in ay u basaasayeen AS iyo maxkada ciidamada

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta billawday  dhageysiga dacwad loo heysto 11 kamid ah Mas’uuliyiintii Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha Maxkamadda la horgeeyey oo saddex ka mid ah Haween yihiin ayaa kala ahaa Guddoomiye waaxeedyo iyo guddoomiye laameedyo ka tirsan Maamulka degmada Hodan.

Waxaa loo heystaa Eedda ah inay ahaayeen Shabakad basaasnimo ah oo ka howlgali jiray degmooyinka Deyniile, Yaaqshiid, Hodan, Howl-wadaag iyo Heliwaa oo iyagoo dowladda u shaqeeyo hadana ka tirsanaa fulina jiray falal Argagaxisanimo sida dilalka iyo qaraxyada.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Eedeysanayaasha ku soo eeddeeyey inay la shaqeynayeen Al-shabaab iyadoo xafiisku mas’uuliyiinta maxkamdda ciidanka ka dalbaday in waxa xukunkoodu yahay la marsiiyo maadaama ay qeyb ka ahaayeen falal isugu jiray dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.