Wararka laga helayo deegaanka Ceelasha biya ayaa sheegaya in xalay bam gacmeed lagu weeraray BTS ah oo ay deegaanka Muusaaleey ku lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom
Illaa iyo hadda lama sheeg wax khasaare nafeed ah oo lagasoo wariyey bomb-kaas xarunta lagu tuuray.
Habeen ka hor ayey ahayd markii qarax ka dhashay miino jidka lagu aasay oo ka dhacay agagaarka xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xero Jarmalka.
Qaraxa ayaa ka sababay burbur xoogan oo gaaray dhismihii xarunta mana jiro wax khasaare ah oo dhaafsiisan burburkaas oo ka dhashay, Dadka deegaanka ayaa si wayn ugu tiirsan adeegga xaruntani bixiso.
Illaa iminka ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaas lagu weeraray xarumahaas ay lahayd Shirkadda Hormuud sidoo kale lama oga sababta loo beegsaday goobahaas ganacsi,Waxaana la sheegay in dad loosoo xiray falalkaas weerarada ah.