Cismaan Aadan Dhuubow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shegay in Abaabulka ka dhanka ah Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu yimid kadib markii xubno uu jawaari watay bedelkooda la qaatay kuwa kale oo uu watay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
Dhageyso Codka jawaari
Waxaana Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Qabiil u Ololeeyo sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow in wixii maanta ka dambeeyo ciddii u dhimata Abaarta uu Masuul ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Cali Xuseen Cali oo ka tirsan Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa isna sheegay in Nasiib darro weyn ay tahay in Guddoomiye Jawaari uu caqabad ku noqdo Golaha Wasiirada Cusub.
Guddoomiye Jawaari ayaa soo saaray Qoraal uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uga dalbanayo in uu dib u eegis ku sameeyo golihiisa Wasiirada Cusub.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0