Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Camaan ee dalka Jordan, halkaas oo la filayo in uu ka furmo Shir Madaxeedka Jaamacada Carabta.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Camaan masuuliyiin katirsan Dowlada Jordan, waxaana Madaxweynaha loo garaacay Muusikada ay tumaan kooxda Bambeeda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona Shir Madaxeedka Jaamacada Carabta ee manata furmaya kaa oo looga hadli doono arimo kala duwan, waxaana waxyaabaha looga hadli doono shirkaasi qeyb ka noqon doonta arimaha Soomaaliya gaar ahaan arimaha abaaraha.
Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu dalka Jordan kula kulmo Boqoro iyo Madaxweynayaal ka socda Wadamada Carbata uuna kala hadlo xoojinta xariirka Dowlada Soomaaliya la leeyihiin dowladahaasi iyo sidii gacan loo siin lahaa Dowlada cusub uu Hogaamiyo.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0