Home Afsomali Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha...

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza

Qaramada ayaa shalay gelinki danbe ku baaqday xabbad-joojin ban’aadannimo oo deg deg ah oo laga dhaqan-geliyo Marinka Gaza, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Guud.

Kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata siina qoto-dheeraaneysa oo ka jirta Gaza, ayay 193 xubin oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ansixiyeen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin.

Qaraarka ayaa waxaa haa ugu codeeyay 153 waddan, 23 ayaa ka aamustay, halka 10 dal ay maya ugu codeeyeen. Waddamada diiday waxaa ka mid ah Israa’iil iyo Mareykanka oo ku dooday, in xabbad-joojinta ay faa’iido ku qabto Xamaas.

Qaraarkan ayaanan aheyn mid qasab ka dhigaya xabbad-joojinta, hase yeeshee xambaarsan miisaan siyaasadeed oo sawir ka bixinaya aragtida iyo halka ay dagaalka Gaza ka istaagsanyihiin dowladaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.