Home Afsomali Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xil ka qaaday maax u magacaabay ...

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xil ka qaaday maax u magacaabay Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Afka maayga dartiis

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday agaasimihii guud ee Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta  Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax.

Xamse Barre ayaa xilka ka qaaday agaasime Cabduqaadir Maax kaddib markii qoraal uu soo saaray kaga dalbaday wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka in laga saaro Dastuurka dalka laga saaro Af-mayga uu tilmaamay in uu yahay af-guri.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay  Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, in uu noqdo sii hayaha guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Qoraalka uu soo saaray agaasimihii hore Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax ayaa abuuray carro iyo hadal heyn, waxaana si weyn uga hor-yimid qoraalkaasi siyaasiyiinta iyo dadka ku hadla af-mayga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.