Home Afsomali Qaar ka mid ah shaqaalaha umadaha Midoobay oo lagu afduubta Gobolka Gedo

Qaar ka mid ah shaqaalaha umadaha Midoobay oo lagu afduubta Gobolka Gedo

Dadka deegaanka ayaa u sheegay somalisan.com  in koox hubeysan ay afduubteen gaari ay la socdeen Afar ka mid ah shaaqle ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Aduunka u qaabilsan QM ee WHO.Afduubka waxaa laga geystay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale warka ayaa intaasi waxaa uu ku darayaa in gaarigan uu ka ambabaxay Degmada Luuq,  kuna wajahnaa Degaanka Maganeey oo qiyaas ahaan 15Km u jira Degmada Luuq.

Warar aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegaya, in afduubka ay geysteen rag ka tirsan Al Shabaab, balse warkaasi si madax banana looma xaqiijin karo.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen talaalka dabeysha.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.