Home Afsomali Gudoomiyaha Cusub ahna duqa magaalada oo Muqdisho tagay

Gudoomiyaha Cusub ahna duqa magaalada oo Muqdisho tagay

Guddoomiyaha cusub ayaa markii la magacaabayay ku maqnaa dalka Mareykanka oo uu todobaad ka hor aaday, isagoo aan wax xil heyn markaas, hase ahaatee maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo xil haya.

Taabid ayaa ahaa Safiir kuxigeenka Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington, oo loo magacaabay labo sanno ka hor.

Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhoweyeay Guddoomiyaha cusub garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Mr Taabid Cabdi ayaa caawa lagu wadaa in Muqdisho loogu sameeyo xaflad soo dhoweyn ah, iyadoo maalinta Sabtida ee soo socotana uu xilka la wareegayo.

Guddi ka shaqeynaya xil wareejinta iyo qaban qaabadeeda ayaa ku howlan diyaarinta xaflada ay xilalka ku kala wareegayaan Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore.

Taabid Cabdi ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, qeybna ka ahaa ololihiisa doorashada, waxaa uu sidoo kale uu ka mid ahaa Safiiro dhowr ah oo gacan yare u ahaa Farmaajo, markii uu xilka Madaxweynaha ku guuleystay.

Dad badan ayaa aaminsan in magacaabista Taabid ee Gobolka Banaadir ku timid rabitaanka Madaxweyne Farmaajo oo ay saaxib dhow yihiin, iyadoo inta badan xilalka Gobolka dadka loo magacaabo loo tiriyo inay ku yimaadaan u dhowaanshaha dhanka Madaxweynaha.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.