Home Afsomali Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Noqday madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmnudug State...

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Noqday madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmnudug State ( DAAWO SAWIRADA )

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, kadib markii wareegii labaad uu helay 57 cod.

Mr Xaaf ayaa ka guuleystay Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay 24 cod, wareegii labaad ee doorashada.

Doorashadan ayaa aheyd mid xiiso leh, waxaana muuqatay in Musharax Xaaf uu ahaa Musharaxa ugu taageerada badnaa.

Guddiga doorashada ayaa ayaa ku dhawaaqay natiijada cododka doorashada, waxaana hoolka doorashada ka dhaceysay ka bilowday dabaal deg iyo sacab taageero loogu muujinayo Musharax guuleystay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa noqonaya Madaxweynaha ugu da’da weyn Madaxda maamul goboleedyada dalka, waxaa uu horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanadii hore, waa ganacsade caan ka ahaa Soomaaliya.

Dhamaad 



Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0.youtube.com/ch

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.