Dowlada dalka shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay dishay 18 jawaasiis oo u shaqeynaya hey’adda mukhaabaraadka dalka Mareykanka ee CIA-da, qaar kalena ay xabsiga dhigtay, taasi oo lagu tilmaamay inay tahay xad-gudubkii ugu xumaa ee soo laamah sirdoonka ee dalka Mareykanka muddo sannado ah.
Wargeyska The New York Times waxaa uu kusoo warramay in mid kamid ah dadkii u basaasayay Mareykanka lagu hor dilay asxaabtiisa, taasi oo ka niyad jabisay kuwii kale inay u sii shaqeyaan CIA-da.
Dilalka loo gesyto basaasiinta Mareykanka laga soo bilaabo sannadkii 2010 ila iyo 2012-kii ayaa lagu qiyaasay inay gaareyso ku dhawaad 20.
Khubaro haatan u shaqeeya hey’adda CIA-da iyo kuwo horay uga soo shaqeeyay ayaa waxaa ay rumesanyihiin in dowlada Shiinaha ay u dhacday amaba ay jabsatay qaabkii ay ku wada xiriirayeen madaxda hey’adda CIA-da iyo basaasiinta, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in mid kamid ah ragaasi uu fashilay qorshaha basaasnimada.
Madaxda CIA-da waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrinkani.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view