Home Afsomali Maxkamada boosaaso oo dil toogasho ah ku xakuntay dhalinyaro ku kala dhalatay...

Maxkamada boosaaso oo dil toogasho ah ku xakuntay dhalinyaro ku kala dhalatay baydhabo .qansaxdheere afgooye iyo owdiinle

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa heegeen in ay xukun dil ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amaanka Boosaaso

Sheegeen in ay ku qabteen ragaan   gaari iyo Qaraxyo ay wateen oo ay qorsheynayeen inay ku qarxiyaan qeybo kamid ah magaalada .

Raggaan ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in qaraxyada lagu qabtay ay wateen , qorshahooduna ahaa in magaalada Boosaaso ku qarxiyaan, halka Ibraahim Maxamed Canshuur oo eedaysanayaasha kamid ahaa uuba sheegay inay ka tirsan yahiin Al-qaacida .

Mana jiraan cadaymo ka madaxbanaan eede Booliska maxkamada horgeeyey

Magacyada Dhalinayarada Maxkamaddu xukuntay ayaa kala ahaa :-

Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye Dil Toogasho

Dhaqane Aadan Cabdi Xassan –Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere Dil toogasho

Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.