Deegaanka garasbaaley ayaa dadaal ugu jira sidii uu uga go.i lahaa dagmada dayniile oo ka tirsanaa intii lamagacaabay dagmadaasi
Guddoomiyaha Degaanka Garasbaaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali oo la hadlay saxaafada ayaa ka hadlay xaalado badan oo ka jira Degaankaasi, maadaama ay halkaasi ku soo barakaceen dad ka soo cararay Abaaraha dalka ka jira.
Inta la ogyahay Degaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay cudurka jadeecada ugu geeryootay 7 caruur ah, kaasi oo ah cudurka ugu halista badan ee Barakacayaasha hada saameynaya.
Guddoomiye C/raxmaan ayaa Dowladda Federaalka gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka soo gaaraan dadka ku dhibaateysan Degaanka Garasbaaley.
Waxa uu sheegay Maamulka Gobolka Banaadir in ay ku dhaliilayaan dadkan in aysan marna soo fiirin, oo aysan waxba u qaban, Maamulkii kan ka horeeyay in ay dhibaatada la qeybsan jireen dadka ku dhibaateysan Garasbaaley.
Sidoo kale Guddoomiye C/raxmaan ayaa sheegay dadka ku nool Degaanka Garasbaaley in uu masuul ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Aakhirana isaga wax laga weydiin doono.
Guddoomiyaha Degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali ayaa Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ku eedeeyay in uusan ka hadlin dadka gaajada u dhimanaya, kaliyana uu sheego wararka kale ee iska caadiga ah
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view