Home Afsomali Diaspora ma dalka mise dibada waxay ku yihiin waa kaaf iyo kala...

Diaspora ma dalka mise dibada waxay ku yihiin waa kaaf iyo kala dheeri

Tahriibayaashii shalay waa madaxda manta tahriibayaasha manta waa madaxda bari

Markii dagaaladii dhaceen dhibku batay la arkay qof aan danbi galin maxkamad xukumin oo xabad lagu dilayo ayey intii islaheyd dhibka dhacay saameyn ayuu idinku yeelanayaa iyo intii ay hanbari kareen dalka isaga baxeen

In kale ayaa ka dababaxday oo inba in ayaa intii awooday u baxday waxaana markii danbe garab la.aan ku bilowday tahriibka Mashruuca tahriibka iyo tahriibinta oo dhalay burcad badeeda oo qaarkood aan looga maarmin ka ilaalinta maraakiibta xaalufisa biyaha badeena iyo kheyraadkiisa .

Dadkii xeryahay qaxootiga galay ee helay magangalyada waa lagu istariixay dhaqaale ayey dalka galiyeen qaarkood halka qaarna is ilaabeen lana qabsadeen wadamadii ay tartida u ahaayeen dhalinyarii ayaa bartay maahmaah ah facaa wuxuu qabo waa la qabaa fajaba ahaadee .

Bulshooyinkii ay magangalyada ay ka heleen ayey la qabsadeen lacago ceyr ah ayaa loo qorey halka qaarkood ay heleen shaqooyin markii hore u badnaa kuwa hoose sida ka shaqeynta maqaayadaha xaaqida dhulka iyo musqulaha ilaa ay gaareen xeer ay noqdaan wasiiro iyo xildhibaano dhalasho ay qaateen ka dib waxayna sameeyeen wax kasta oo aqlaaq xumo ah ilaa ay qaarkood diinta ka baxeen .

Hadaba iyaga oo aan cidin kala hufin una baahnaayeen in la kala haadiyo ayey ku midoobeen dalada dalka ka kacday ee diaspora.

Qaxootigii Shalay tariibay ayaa isu habar wacday waxayna ka Noqdeen dal Burburey oo Hoog iyo ba. Ku dhacay ay uga carareen madaxdiisii.

Waxaan sugnaaba sida ay u maalaan hasha u Godlatay iyo hadii ay waraabe siiyaan Dowladeena Diasporada ah ee madaxda ay ka yihiin Qaxootigii shalay magangalyo doonka ahaa ayaa gudaha dalka ku qaabilayo kuwii ay maganta uu ahaayeen oo ka saxiixanayo kolba masharuuca ay doonaan.

Tahriibihii dhibkaas soo marey ayaa haatan intii dalka aan ka bixin taleephonka ku dhageysanaya oo ilaalo sameystay lagu kaxeynayaa gaari aan xabadu Karin .

Qorax joogta ayaa laga cabsi qabaa in ay la mid noqdaan cali besteenkii mareykanka oo dalkiisa haatan marti ka ah

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.