Shirkada isgaarsiinta hormuud qeybteeda gargaarka ayaa naafo somalyeed ah lacago ugu qeybisay magaalada Muqdisho
munaasibada qeybinta gargaarkaan lacageed waxaa ka soo qeybgalay madaxda Shirkada isgaarsiinta Hormuud iyo sidoo kale madaxda hormuud foundation qeybteeda gargaarka lagu taakuleeyo bulshada u baahan in laga caawiyo xaga afurka iyo saxuurta waxaana goobjoogayaal ahaa 500 oo danyarta nafada ah kuwaas oo midkiiba la gudoonsiiyey 100 doolar
Gudoomiye ku xigeenka hey.adda hormuud foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi ookiyaale ayaa faahfaahin dheeraad ka biyey ujeedka lacagta iyo danta laga leeyahay iyo cida ay u u qeybiyeen gargarkaan lacageed .
qaar ka mid ah naafadii lacagaha loo qeybiyey ayaa mahgadcelin ka sokow waxay tilmaameen sida ay ugu faraxsan yihiin lacagta la siiyey oo ay sheegeen in ay ku soo aaday xili ay baahi weyn u qabeen .
Shirkada hormuud foundation ayaa sanadkasta bisha ramadaan waxay bixisaa qarashaad aad u badan ayna ku xisaabtaman bulshada qeybaheeda kala duwan siiba maxaabiista iyo naafada oo haatan loo qeybiyey 50 kun oo doolar
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view