Home Afsomali War deg deg ah gaari miineysan oo lala galay rugta KMG ciidanka...

War deg deg ah gaari miineysan oo lala galay rugta KMG ciidanka boliska

Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu Weeraray rugta KMG ah ee ciidanka bolice ka ee haatan loo yaqaan Saldhigga Degmada Waabari e Gobolka Banaadir.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa la malayaa dhawaqa risaas kala duwan mudo ka dibna waxaa goonta meel u dhow gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay saldhiga booliiska Degmada Waabari, lamana oga qaraxa in uu ahaa mid gaari loo adeegsaday iyo in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa ahaa mid laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, walina lama oga khasaaraha dhimadsho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxn.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa xiray ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida dowlada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega kuwaa oo goobta ka qaaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxan.

Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku dhimatay Qaraxaan ka dhacay Saldhigga Degmada Waabari, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

Su.aasha meesha taal ayaa ah ciidan saldhigiisii amaankiisa sugi waayey ma looga fadhiyaa in uu suuqyada iyo wadooyinka ciriiriga ah wax ka qabto.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.