Safiirka dowladda Somalia ee Hindiya ambassador Abyan Maxamed Saalax oo shir la xiriira horumarinta iyo kor u qaadista caddaalada dumarka Soomaaliyeed kaga qayb-galeysay magaalada Toronto ayaa ka warbixisay xaalad-da ay ku sugan-yihiin Somali la sheegay in ay u burcad- badeed ugu xiranyihiin xabsiyada dalka Hindiya.
“Tirada guud ee burcad-badeed-da ku xiran waxa ay gaaraysa 118 qof ,labo kamid ah waa ay geeriyoodeen , halka dhamaantood-na ay yihiin xukun sugayaal “ ayey tiri safiirad-da oo waraysi kooban siisay warbaahinta
Wasiirka arimaha dibadda ee Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu wadaa in uu soo gaaro dalka Hindiya si uu heshiis is-afgarad ah ula saxiixdo dowladda Hindiya ,isla markaana loo sii daayo Somalida ku xiran xabsiyada dalkaas.
“Maxkamadda Hindiya waxa ay dhagaysan doonta dacwadda Somalida ay gacanta ku hayaan oo qaarkod hadda dhamaystay xariga dhan muddo sanado ah “ ayey mar kale tiri safiirad-da oo rajo ka muujisay in arinta maxaabista laga gaari doono heshiis dhamaystiran.
Ma jiraan maxaabiis u dhashay dalka Hindiya oo ku xidhan Somalia ,kuwaasi oo lagu badalan doono kuwa Somalia ,waxaana sida la sheegay lagu wadaa in heshiiska lagu soo daro qodobo ay kamid yihiin in Hindiya ay la wareegi karto wixii maxaabiis ah oo Somalia looga xiro mustaqbalka dhow si shuruud la’aan ah.
Dad lagu qiyaasay 6,000 oo Somali ah ayaa ku nool dalka Hindiya ,kuwaasi oo u badan arday, ganacasato iyo kuwa kale oo u yimid arimo caafimaad ,xilli arday badan oo Somali ay sanad walba ka qalin-jabiyaan jaamacadaha dalkaas.
Ugu danbayn ,dhawaan ayey ahayd markii ra’iisul-wasaaraha Somalia uu sheegay in dowlad-diisa ay dadaal kasta ku bixin doonto sidii loo soo dayn lahaa maxaabiis badan oo Somali ah ,kuwaasi oo ku xiran wadamo ay kamid yihin Itoobiya ,Sychless , Hindiya iyo meelo kale oo caalamka ah.