Home Afsomali Dhageyso Raiisal wasaare Cumar Cabdi Rashiid hadii Madaxda dowladu gacmaha la galaan...

Dhageyso Raiisal wasaare Cumar Cabdi Rashiid hadii Madaxda dowladu gacmaha la galaan doorashada waa lagu naqanayaa 

Codynta Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la magacaabay Guddi ka shaqeyn doona xalinta Qilaafaadka xilliga Doorashooyinka.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Guddigan la magacaabay in ay yihiin kuwo isugu jira Odayaal, Siyaasiyiin Dalka in muddo ah ka soo shaqeeyay iyo xubno kale.

Wuxuu sheegay u jeedka ugu weyn ee loo magacaabay Guddigan in uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Qilaaf dhaca xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka Dalka ka dhacaya gaar ahaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu dambeyn sheegay hadii ay dhacaan Musuq maasuq iyo waliba is daba marin in mar kale dib loo soo bilaabi doono Doorashada.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay amarada gaar gaarka ah ee xilligan ka soo baxaya Madaxda Dolwadda in aysan aheyn kuwo shaqeynaya.

Dhageyso Codka raiisal wasaaraha 

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Madaxda Dolwadda hada ay yihiin kuwo Watigooda uu ka idlaaday, oo uusan shaqeyneyn amarada ka soo baxa.

Warqad Qoraal ah oo shalay ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dolwadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shramaarke ayaa lagu amray Wasaaradaha Amniga iyo Warfaafinta in ay dhowraan Xuquuqda ay leeyihiin Musharaxiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.