Home Afsomali RW Kheyre “ CUlumadu ilaahey kheyr ha siiyee howl aad u wanaagsan...

RW Kheyre “ CUlumadu ilaahey kheyr ha siiyee howl aad u wanaagsan bey noo hayaan

Hassan Ali Kheyre Raisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baaq adag u jeediyey guud ahaan culumada Somaaliyeed dal iyo dibadba.

RW Kheyre ayaa dhamaan culumadda Soomaaliyeed ugu baaqey in ay qeyb ka noqdaan horumarka dalka ka socoda, isagoo sheegey in ay ka qeyb qaataan sidii dadka loo wacyi gelin lahaa isla markaana ay qeyb ugu noqon lahaayeen Amni ku soo celinta dalka.

“ CUlumadu ilaahey kheyr ha siiyee howl aad u wanaagsan bey noo hayaan, waxaase aad loo baahanyahay in ay bal iyaguna qeybtooda ka qaataan sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka qeyb qaadashada amniga iyo dib u soo celinta nabada dalka” ayuu yiri Rw Kheyre.

“ Waxaa jirta dhalinyaro aad u badan oo ay Al-shabaab naga qaladey, waxaan u baahanahay in ay culumadu u istaagto sidii dhaliyaradaas ay dadkooda ugu soo noqon lahaayeen isla markana wanaaga dalka ka socda qeyb uga noqon lahaayeen oo ay waalidiintooda ula midoobi lahaayeen” ayuu yiri RW Kheyre.

Kooxda Al-shabaab ayaa xooga ugu badan oo ay leedahay waxaa ay yihiin dhalinyaro kuwaaso oo ay Xukuumada RW Kheyre dooneyso in ay ku soo xera geliso wacigelin joogta ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.