Home Afsomali WAR SAXAAFADEED flydubai iyo Emirates oo cududooda mideeyay kuna dhawaaqay heshiis iskaashi

WAR SAXAAFADEED flydubai iyo Emirates oo cududooda mideeyay kuna dhawaaqay heshiis iskaashi

Faa’iidooyinka uu helaayo qofka rakaabka ah waxaa kamida duulimaadyo 200 oo jiho  oo gaar ah,  safar raaxo aan la koobin karin leh iyo dib u habayn joogto ah oo heshiiska dadka sida joogtada ah duula

 

DUBAI, UAE, 19 Luuly, 2017/ —

  • Iskaashiga labada shirkadoo kaliya kuma ee ka in midba takale laga heli karo xogteeda, balse waxaa kamid ah jadwalka in midba takale laga heli karo sidoo kale isku xidhka (network) kombuyuutarada ay wadaagaan.
  • Faa’iidooyinka uu helaayo qofka rakaabka ah waxaa kamida duulimaadyo 200 oo jiho  oo gaar ah,  safar raaxo aan la koobin karin leh iyo dib u habayn joogto ah oo heshiiska dadka sida joogtada ah duula
  • Labada shirkadood way kala maamul madax banaan yihiin oo midba gaarkeeda ayay maamulkeeda u yeelan doontaa

 

Shiradaha diyaaradaha ee Emirates iyo flydubai (www.flydubai.com) ayaa maanta ku dhawaaqay heshiis iskaashi kaas oo labada shirkadood ee fadhigoodu Dubai yahay ay cududooda ku midaynayaan si ay u buuxin karaan baahida safarka macmiishooda. Labada shirkadood maamulkoodu kala gaar ayuu ahaan doonaa, balse waxay iska kaashanayaan  xidhiidhkooda si ay kor ugu qaadaan shaqadooda oo ay u kordhiyaan xawaaraha kobocooda.

 

Iskaashigani kaliya muusoo kordhin kaliya in midba takale laga heli karo xogteea balse waxaa kamid ah in isku xidhka (network-ga) la isku xidho si jadwaladooda la isku waafajiyo. Qaabkan cusubi waxa uu u sahlayaa flydubia inay macaamiisheeda u fidiso duumilaadyo isku xidh ah oo lix qaaradood ah iyada oo adeegsanaysa khadka caalamka oo dhan u daadsan Emirates. Emirates-na waxay uga faa’idaysan doontaa inay macaamiisheedu helaan khadka flydubai ee mandaqada.

Sidoo kale labada shirkadood ee diyaaraduhu waxay hori marin doonaa xaruntooda garoonka Dubia International, iyaga oo midaynaya nidaamkooda iyo shaqadooda si u xaqiijiyaan inay macaamiishu hesho safar raaxo leh iyaga oo adeegsanaya madaar casri ah; kaas oo wakhtigan ah madaarka ugu dadka badan adduunka.

HH Sheikh Axmed Bin Siciid Al Makhtuumi, Gudoomiyaha iyo Maareeyaha Guud ee Emirates Group ahna Gudoomiyaha flydubai, waxa uu yidhi: “Waa wax lagu farxo waana talaabo hormar u ah Emirates, flydubai iyo guud ahaanba gaadiidka cirka ee Dubia. Labada shirkadood ee diyaaraduhu hormar ayay muujiyeen sanadihii lasoo dhaafay iyaga oo kala madax banaan, iskaashiga cusubina waxa uu fure u yahay fursado balaadhan oo ay labada shirkadood isku buuxinayaan adeega ay macaamiisha siinayaan, shirkad kasta, iyo Dubia ba.”

Shirakada Emirates waxay maanta leedahay diyaarado tiradoodu tahay gaadhayso 259 diyaaradood, kuwaas oo sameeya duulimaadyada 157 jiho (oo ay kamid yihiin 16 goobood oo kaargo kaliya ah). fludubai waxay leedahay 58 dayuuradood oo casri oo noocii ugu danbeeyay ah oo nooca  loo yaqaano Boeing 737 ah kana shaqeeya 95 jiho. Iskaashigan cusubi waxa uu abuuriyaa isugayn duulimaadyo 216 jiho ah inay ka shaqeeyaan.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la wadaago isku xidhka iyo jadwalka laba shirkadoodba, in la sameeyo isku xidh wadaag ah oo magaalooyinka ah si adeega ay macaamiishu heli karaan kor loogu qaado. Sidoo kale, waxay u horseedeysaa labada shirkadoodba inay helaan macaamiil dheeraad ah oo isku xidhkaa ka faa’idaysanaya. Sanadka 2022, waxaa la filanayaa marka la isku daro jihooyinka Emirates and flydubia inay gaadho duulimaadyo 240 jiho ah, taas oo ay ka shaqayn doona 380 diyaaradood.

Waxa haantan gacanta lagu hayaa shaqada tirada heerka ganacsiga, qorshaha isku xidhka, shaqada madaarka, safarka macaamiisha, iyo dib u habayn joogto ah oo heshiiska dadka sida joogtada ah u duula Emirates iyo flydubia.

Shaqada iskaashigu waxa ay bilaabmi doontaa bilaha soo socda, waxaana heshiiska midaynta xogta la xirgalin doonaa sadexda bilood ee ugu danbeeya 2017. Wixii xogo ah ee dheeraad ahna waxaa loo shaacin doonaa kolba siday usoo baxaan.

Shirkadahan oo ay iska leedahay Shirkada Maalgalinta Dubia (ICD), Emirate iyo flydubia waxay u shaqeeyaan si kala madax banaan waxay hoos yimaadaan maamulo kala duwan.

APO qaybiyey oo ku hadlaya magaca flydubai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.