https://youtu.be/deIDIWdh4y0
Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade oo ah gabadhigii ugu horeysay ee diyaarad duulisa kana tirsaneyd ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa ka soo degtay groonka Diyaaradaga ee Magaalada Muqdisho .
Duuliye sare Asli Xasan Cabeed ( Asli Calansida) ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey qaarka mid ah Xildhibaanada iyo wasiirada dowlada somaliya ururka Haweenka Qaranka Somaliyeed iyo dadweyne kale oo ruxayey Caleemo qoyan .
Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Somaaliyeed Batuulo Xaaji Axmed Gabale ayaa ka sheekeysay waxyaabihii ay ka xasuusatay howlihii duuliyenimo ee Asli xiliyadii Munaasibadaha waxayna intaa ku dartay in ay dhawaan duulimaad Muqdisho ka sameyn doonto .
Duuliye Asli ayaa ka mahadcelisay munaasibada soo dhaweynta loogu sameeyey gudaha Garoonka waxayna sidoo kale ka hadashay dareenkeenkeeda ku aadan imaatinka Muqdisho iyo saameynta ay ku leedahay
Qaarka Mid ah haweenkii soo dhaweynta ka qaatay oo tilmaamay sida ay u jecel yihiin ayaa ku Macneeyey in ay soo dhaweynayaa taalo Nool.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view