Dagaal kaan oo saacadihii u danbeeyey ka dhacay deegaanka xeraale ee dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud oo ay hore isku horfadhiyeen ciidamo kala fikir ah balse hadana wada soomaali isku diin ah ayaa mar quraa laga maqlaye risaas Noocyadeedu kala dhuwan yihiin oo ay isku ridayeen sidii laba dowladood .
Dagaalka ayaa u dhaxeeya maamulka ahlu suna iyo maamulka xeraale oo ka soo horjeedo kuwaas oo maamulju ku amray in ay isaga guuraan dhamaan deegaanka oo dhan
inkasta oo ay hore uga qarxeen dadkii deeganka ayaa tiro yar oo ku hartay waxaa ay sheegayaan in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan mana jirta cid sheegi karta qasaaraha kala gaaray inta uu la egyahay .
dhinacyada ayaa mudooyinkaan wada isu habar wacasho waxaana imnaka la soo warinayaa in ay aad iskuugu soo dhawaadeen lagana cabsi qabo in uu halkaasi ka dhaco dagaal aad u qaraar .
waxaa jiray waan waan ay wadeen odopyaal deegaanka ah kuwaas oo isaga dhaxbaxay ka dib markii ay dhinacyadu diideen in khilaafka wada hadal iyo si nabad ah lagu dh ka ameeyo .
dadkii deegaanka intii ka hartay ayaa galabta udbaxooda sii qaatay waxaana haatan jirin cid u dhaxeysa qolyaha dagaalamaya oo iyadu dirirta sokeeye hamuunta u qabta
ciidamada ayaa waxaa dhinacba dhinaca kale kula tartamayaa is abaabul iyo u diyaar garow dagaal uu la galo dhinaca kale waxayna ku wada sugan yihiin duleydyada deegaanka xeraale
Dhagey Maxaa loo dig iyo dam leeyay oo gumeysi doonayaa
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view