Home Afsomali Dhageyso Wasiir Xoosh oo cafis weydiistay baarlamaanka

Dhageyso Wasiir Xoosh oo cafis weydiistay baarlamaanka

Wasiirka wasaarrada dastuurka xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo  hortagay kulan xarunta gollaha shacabka ay ku lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa raali galin ka bixiyay qoraal uu horay u soo dhigay boggiisa Twitter –ka.

nuu heerkaan na gaarsiinaayo hadaa ogaan lahaa masoo qori lahayn.

waxaan rabaa inaan idin sheego inaan aad uga xumahay hadalkii aan twiter-keyga kusoo qoray inuu heerkaan na gaarsiiyo horta aad ayaan xumahay

marka walalayaal waxaa idin dhihi lahaa waxa waaye hadii hadaladii aan qoray ay qaarkiin xanaf idin keentay waxaan idinka baryaa in taas aad iga qaadataan waxaan idin balan qaadayaa inaan wada shaqeyno oo hadaa wax shaqadeyda ku saabsan iigu yeertaan aan idin imaado

waxaa sidaa yiri wasiirka dastuurka Abdi Hosh oo barlamaanka ka hor hadlaayey

Wasiirka ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu raalgalin ka siinayo qoraal uu uga hor yimid go’aan ay dhawaan gaareen kaasoo uu soo dhigay boggiisa Twitter –ka, kaa oo sababay in xildhibaannada ay doodda ka keenaan arintaa.

Wasiirka ayaa boggiisa Twitter –ka ku sheegay in baarlamaanku awood u laheyn in uu ka hor yimaado go’aanka ay maxkamada sare ka gaartay Siddeed xildhibaan oo ka tirsan gollaha shacabka.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arintan ay soo faragaliyeen madaxda ugu sareysa dalka , taasoo keentay in wasiir Xoosh uu maanta hortago xildhibaannada oo markii hore uu ka dalbaday in la siiyo muddo ku siman ilaa 11 bishan Augusto.

Wasiirka dastuurka xukuumadda federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka ay baarlamaanka Soomaaliya ku laaleen amarkii maxkamadda sare.

Wasiir cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa hadal uu soo dhigay barta uu Tiwitterka ku leeyahay ku sheegay in arrin sharci darro ah ay tahay in baarlamaanka ay faragaliyaan hay’adaha garsoorka oo madaxbannaan.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.