Home Afsomali Jawaari oo gabar milatari ah kana careysneyd mushaar la.aan iyo qooto qooto ...

Jawaari oo gabar milatari ah kana careysneyd mushaar la.aan iyo qooto qooto  lagu sameeyey ku weerartay isqaawin

Gabadhaan oo aan magaceeda qariyey ayaa ka tirsaneyd haweenka ciidanka mulatariga ayaan wax mushaar ah si toos  ah u qaadan .

Taasina waxay sababtay in xili uu safar u baxayey Jawaari ay wadada ka xirtay una diiday Gaadiidkii galbinayey in ay wadada maraan .

 

Ciidanka ilaalada jawaari ayaa isku dayey in ay qabtaan waxayna gabadhii caro darteed iska dhigtay dharkii oo dhan wayna is qaawisay sidii ay hooyadeedf ku dhashay oo kale .waxayna ku dhaaratay in ay xaar is marin doonto

Gabadha ayaa diiday in ay saraakiisha ciidanka la gasho wada hadal intaa ka dibna jawaari ayaa siiyey $200 weyna ka  diiday.

Buuq badan ka dib ayaa gabadhii loo xoogsheegtay oo gacmaha laga xirey laga dhigay guri goobta ka agdhawaa hase yeeshee diabada ayey uga soo Baxday halkii ayeyna ka sii wadatay qorshaheedii

gabadha ayaa ka tirsaneyd ciidanka ilaalada madaxtooyada ee kooficad casta ah balse iyadu talisyadii ciidanka ayaa si dadban lacago u siin jirey taasi oo ay u qaadatay in ay tahay kista la siinayo mushaarkeedii .

Bilihii ugu danbeeyey ayey weysay mushaarkeedii waxayna sameysay wax kasta oo ay ku heli karto xaqeeda

Taasi oo sababtay in talisyada ciidamadu dacwad u gudbiyaan saldhigyada bolice-ka oo arinteeda xalin waayey .

Baaritaano ay sameeyeen ciidanka bolice ka ayaa la sheegay in lagu ogaaday askariyada in nambarkeedii ciidamada cid kale la siiyayey isla markaana mushaarkeeda la qaado .

Gabadhaan ayaa ka qeybgashay dagaalo badan oo ay ciidamadu qeyb ka ahaayeen waxayna ku dhaawacantay qaarkood sida ay sheegeen dad aqoon fiican u leh

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo uga qeybgalayo shirka Guddomiyaasha  Baarlamaanada Qaaradda Afrika.

Gudoomiye Jawaari ayaa lagu waddaa in uu khudbad dheer uu ka jeediyo Shirka Baarlamaanka Afrika oo Berri Koonfur Afrika ka furmi doono.

Kulanka Jawaari uu ka qeyb gali doono ayaa waxaa looga hadlaya  xaaladaha ka taagan qaar kamid ah dalalka Africa iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaanada Afrika.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.