Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaaba afar degmo oo hor leh, kana tirsan Gobolka Hiiraan.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa deegaanada kala ah Feerfeer, Moqokori, Buq Aqable iyo Buurweyn loogu magacaabay inay noqoto degmo.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in markii uu qiimeeyay xaalada amni, bulsho, awoodda dhaqaale ee ay leeyihiin deegaanadaas, kuna qancay inay buuxin karaan shuruudaha ay ku noqon karaan degmooyin uu ku magacaabay inay degmo buuxda noqdaan.
Madaxweyne Cosoble ayaa muddo todobaad gudahood ku magacaabay illaa 7 degmo, taasoo dad badan siyaabo kala duwan uga hadleen in hal gobol uu todobo degmo u magacaabo.
1-dii bishan ayay aheyd markii uu saddex degmo uu magacaabay, kuwaasoo kala ah Ceel Cali, Far Libaax iyo Halgan.
Deegaanada qaar ee uu degmooyinka loo magacaabay ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilligan wajahaya cadaadis uga imaanaya siyaasiyiinta Gobolada uu maamulo iyo xubnaha ku jira dowladda Federaalka, waxaana Muqdisho ka socda shirar ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo looga soo horjeedo, kaasoo qorshihiisu yahay sidii mooshin looga keeni lahaa.
https://youtu.be/MkOqPtIk6Bc
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view