Home Afsomali Dhageyso xilka qaadista Madaxweynihii Hirshabelle Cali cabdulaahi Cosoble tirada xildhibaanada waa sidaan

Dhageyso xilka qaadista Madaxweynihii Hirshabelle Cali cabdulaahi Cosoble tirada xildhibaanada waa sidaan

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlay kalsoonidii xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay kala noqdeen Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble, kadib kulan maanta xildhibaanada ay ku yeesheen magaalada Jowhar.

Kulanka waxaa soo xaadiray 76 xildhibaan, 68 Mudane ayaa ogolaatay in kalsoonida lagala noqdo Cosoble, 6 xildhibaan way diideen, halka labana ay ka aamuseen, sidaasi ayuuna xilkiisa ku waayay Cosoble.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise oo shir guddoomineysay kulanka ayaa sheegtay Baarlamaanka in ay ka go’an tahay shaqo, xilka Madaxweyna-hana uu si kumeel gaar ah u heynayo Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Waxa ay sheegtay Guddoomiye Canab oo wareysi siineysay BBC-da Mooshinka lagu riday Madaxweyne Cosoble in uu soo jiitamayay mudo laba bilood ah, uuna isa soo bedelaayay, balse maalmihii dambe uu si toos ah u soo shaac baxay.

Sidoo kale waxay sheegtay Canab Axmed Ciise Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle in Cosoble uu degay Magaalada Muqdisho markii la doortay kadib, xitaa aysan dhicin in Jowhar oo ah Caasimadda Hirshabeelle uu seexdo 10 Habeen oo isku xigta.

Maamulka Hirshabeelle ayaa jira Hal sano oo dhiman laba bilood,waxaana ilaa hada aanay jirin wax qabad muuqa oo maamulka uu qabtay, marka laga reebo labada Gole ee Hirshabeelle oo la doortay.

Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka kooban 117 Mudane, balse waxaa ku jira 20 xubnood oo Gabdho ah, oo aan dhaarsaneyn.

In ka badan 10 Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda Hirshabeelle ayaa shalay is casilay, kuwaasi oo sheegay in Cosoble uu mugdi geliyay Hirshabeelle, sidoo kalena aysan shaqo ka socon degaanada maamulkaasi.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.