Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle balse Xildhibaano ka tirsan amamulkaas ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen ayaa ka hadlay xilka qaadistaas.
Goordhow ayaa Waxa uu magaalada Jowhar Warbaahinta ugu qabtay shir Jaraa’id waxa uuna sheegay in xilka qaadistii ay ku sameeyen xildhibaanada ay tahay mid aan waxba ka jirin.
Cusmaan Maxamed Barre Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa uu doonaya in uu wax ka qabto Xilka qaadistii Shalay lagu sameeyay Madaxweyne Cosoble.
Xildhibaano ka tirsan Baarlaamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu dhexdhaxaadin ka dhex bilaabi doono Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku kala qeybsan xilka ka qaadistii Cosoble.
Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ayaa wali ka taagan
Sidoo kale waxa uu sheegay in isagu uu yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle islamarkaana wixii tabasho ah ay jira la xalin doono.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view