Home Afsomali Deegaanka Bariire oo ay Ku geeriyoodeen Qoys kale oo ka Koobnaa 7...

Deegaanka Bariire oo ay Ku geeriyoodeen Qoys kale oo ka Koobnaa 7 ruux

Wararka aan ka helyno qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qoys ka mid ah dadka ku nool Gobolkaasi ay ku geeriyoodeen Miino kula qaraxday duleedka deegaanka Bariire.

Qoyskaas ayaa xili ay marayeen meel aan ka fogeyn deegaanka Bariire ay Miino halkaasi kula qaraxday,islamarkaana 5 caruur ah ay ku geeriyooden iyo Waalidiintooda oo ahaa Aabaha iyo Hooyada.

Sidoo kale Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay  Gaari u rarnaa oo ahaa Nooca Soomaalidu u taqaano Gaari Dameerka.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xili saakay aroortii Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Amisom iyo kuwa Cadaan ah ay weerareen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose,iyaga oo Al-Shabaab kala wareegay.

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.