Home Afsomali Dhageyso Xildhibaanada Dowlada Galmudug oo ku Gacan seyray rabitaankii Madaxweyne Xaaf

Dhageyso Xildhibaanada Dowlada Galmudug oo ku Gacan seyray rabitaankii Madaxweyne Xaaf

Ka dib markii Madaxweynaha Galmudug uu shalay xildhibaanada Baarlamaankaasi uu ka codsaday in loo ansixiyo in uu soo celiyo Wasiiraddii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa arintaasi waxaa ka hor yimid Xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada ayaa badankood diiday arintaasi waxaana ay ka codsadeen Madaxweynaha in uu soo magacaabo Wasiiro cusub.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa  sheegay in Madaxweynaha laga diiday codsigaasi,islamarkaana laga doonaayo in uu dhiso wasiiro cusub.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Galmudug uu isbadel ka dhaco,islamarkaana loo baahan yahay wasiiro wax u qaban kara Shacabka Galmudug.

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.