Home Afsomali Duqeymo Dhanka Cirka oo ay ka fuliyey Caluula ee Gobolka Bari diyaarado...

Duqeymo Dhanka Cirka oo ay ka fuliyey Caluula ee Gobolka Bari diyaarado dagaal ma cada cida leh

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Caluula ee Gobolka Bari,waxana Saraakiisha Ciidamada Puntland ay sheegeen in lala beegsaday fariin ay leeyihiin Kooxda Daacish.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay inay arkayeen diyaaradahaasi oo duqaynaya deegaamo buuraleey u badan,in kastoo duqeyntaas aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Weli Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ma shaacin halka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Bari

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.