Home Afsomali Abuu Mansuur oo Kulan Muqdisho kula yeeshay RW Xasan Cali Kheyre sii...

Abuu Mansuur oo Kulan Muqdisho kula yeeshay RW Xasan Cali Kheyre sii Aqriso halka la dejiyey

Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyihii Xarakada Al-shabaab oo  kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ayaa loo galbiyay Xarunta Taliska Nabadsugida ee loo Yaqaano Habar Khadiija si loo ilaaliyo Xaaladiisa Amni hoygiisana meesha ayaa Laga dhigay.

Ilo Wareedyo ayaa xaqiijiyay in Roobow uu la kulmay Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre islamarkaana ay kawada hadleen  arrimaha Siyaasadeed ee ka jira Deegaanka Abal iyo Dagaalkii uu Kala kulmay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dowladda ma shaacin kulanka Shiikh Mukhtaar iyo Ra’iisul wasaare Kheyre,dhexmaray.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in Muqtaar roobow la geyn doono Xaruunta Madaxtooyada soomaaliya wuuna lakumi Doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.