Home Afsomali Ahlu suna oo dowlada ka gubtay gaadiid dagaal Askarna la aysay

Ahlu suna oo dowlada ka gubtay gaadiid dagaal Askarna la aysay

wararka dheeraadka ah ee laga helayo  dagaal  ka dhacay aagga deegaanka Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada  Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca iyo Ciidanka Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda federaalka ah.

Inta la xaqiijiyay 6 Askari ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ku dhaawacmeen dagaalka sidda ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda.

Dagaalka ayaa yimid markii  Ciidamo katirsan Dowladda oo watay Gaadiid dagaal kana baxay xarunta Madaxtooyadda ee Dhusomarreeb kuwaa oo doonayay Askar la soo xiriirtay oo sheegay in dhanka Ahlusunna kasoo goosteen hase ahaatee isku badalay Weerar dhabo gal ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Ahlusunna ay gubeen Mid kamida 2 da Gaari oo ay wateen Ciidamadda Dowladda ayna qaateen Qorigii ku xirnaa iyo 2 qoro oo Dabajeex ah.

Ciidamadda Dowladda oo iska caabin sameeyay markii uu Weerarkan qabsaday ayaa xogta sheegeysaa in Gaariga labaad oo wali gacantooda ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.