Meydadka tahriibayaal Soomaaliyeed oo maalmo la la’aa ayaa laga helay badda dalka Gariiga, dhallinyaradan ayaana ka baxay magaalo xeebeedka Izmir ee dalka Turkiga si ay tahriib ugu galaan dalka Gariiga.
Ciidamada badda dalka Gariiga ayaa helay meydadka dhallinyaradan Soomaaliyeed oo biyaha badda ku qalibmay, waxa ayna booliiska sheegeen in doonidii ay saarnaayeen rogmatay ,kaddib dabeylo xooggan oo ku dhuftay.
Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa laga dhax arkayay wajiyada dhallinyaradan oo xilligaasi isku diyaarinayay tahriibka, waxaana warkan ku aadan in badda ku geeriyoodeen aad uga naxay ehelkooda iyo dad badan oo Soomaaliyeed.
https://youtu.be/uctxbYQ7YHs