AKHRISO: Taariikh nololeedka qoraagii weynaa ee Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Daahir ‘Afrax’ oo caawa geeriyooday.
AHUN Maxamed Daahir Afrax, waa Qoraa caan ah oo bulshada Soomaaliyeed si fiican u taqaano, waxaa uu qoray buugaag iyo sheekooyin badan sida:-
Guur-ku-sheeg
Nida Al-Horiyah
Maana-faay
Galti-macruuf.
Fan-masraxeedka Soomaalida.
Raad-raac Taariikheed iyo Faaqidaad Riwaayado Caan-baxay
Shabeelnaagood
Iftiimin Suugaanta Soomaalida
Waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay hor-umarinta Afka Soomaaliga iyo isku xidhka bulshada Soomaaliyeed ee deggan Geeska Afrika.
Waa Aqoonyahay haysta shahaadada PhD, Qoraa iyo Bare aad loogu yaqaanno cilmiga iyo Afafka, waxaa uu Madax ka ahaa hay’ado badan oo daryeela qoraalka Afka Soomaaliga.
2000-shirkii Carte waxaa uu ahaa dadkii dajiyay qorshaha Shirka, Lataliyaha Madaxweynaha dalka Jabbuuti iyo wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey isagoo shirka ka dib ka mid noqday Baaralamaanka iyo Golaha Wasiirada xilligaas.
2006-dii, Waxaa uu u bandhigay Madaxweynaha Dalka Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle in Jabbuuti u dabaaldago maalinta Afka hooyo 21 February sannad walba.
Waxaa kale oo uu ka mid ahaa dadkii ku taliyay in Jabbuuti xarun ka dhigtaan hay’ado London xaruntooda aheyd sida: Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed uu Mudane Afrax ku aasaasay markii hore Magaalada London.
2011- wuxuu noqday Xoghayaha Guud ee Guddi ay magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya ay ku magacaabeen Ururka Midowga Afrika, qeybta horumarinta luqadaha qaaradda Afrika.
2012- Shir ay Jabbuuti isugu yimaadeen Madaxda iyo aqoonyahanada bulshada Soomaaliyeed ee geeska Afrika, waxaa lagu dhisay Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaliga ee AGA loo yaqaanno, Mr. Afrax ayaa Guddoomiye looga dhigay.
Waxaa uu sidoo kale Tifaftire ka ahaa Wargeyskii ”Hal-Abuur” ee dhaqanka iyo Suugaanta oo ku soo bixi jiray Afafka Ingiriisiga iyo Soomaaliga.
Waxaa uu qoray buugaag caan ah, waxaa ka mid ah, mid masraxa ka sheekeynaya iyo Buugaag kale oo lagu daabacay Afka Ingiriiska.
Waxaa uu sidoo kale qoray buugaag siyaasadda ka hadla sida “Dal Dad waayey iyo Duni Damiir Beeshay”.
Sooyaalka Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka:
July 3, 2013- Kulanka 2aad, 144 cod ayuu ku meelmaray ansixinta sharciga Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.
May 29, 2014- Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada ayaa lagu meel mariyay Xubnaha Guddi ay soo gudbisay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Guddigan ayaa ahaa gudiga madax banaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqayn dheer ka dib waxaa goluhu isku raacay magacaabidda gudigaan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah.
1. Marwo Caasho Geele Diiriye-Gudoomiye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xuseen Xaaji
June 18, 2014- Kulanka 39aad ee kalfadhiga Afraad ayaa cod loo qaaday Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka, 234 cod ayaa lagu meel mariyay Golahan.
May 6, 2015- Marwo Caasho Geele Diiriye ayaa iska casishay xilka gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.
June 4, 2015- Golaha Wasiirada ayaa Qoraaga Maxamed Daahir Afrax u magaacay guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka