Xili Mid ka mid ah hoteelada Muqdisho uu ka socdo kulan qarash badan uu ku baxayo lagu shaacinayo in uu soo hagaagayo amaanka kadalka
shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey iskana kaashaday qabsiimidiisa wasaarada amniga iyo maamulka Gobolka banaadir iyada oo taasi jirto ayaa hadana Wararka ka imaanaya Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ay sheegayana in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay isaga baxeen Fariisimihii ay ka degenaayeen Degaanka Bariire,waxaana Aroortii hore ee Saakay la wareegay Degaanka dagaalameyaal Hubeyasan oo ka tirsan Al-shabaab.
Goobjoogeyaal ayaa saxaafada u sheegay in Al-shabaab ay calankamadow ka taageen Xarunta Degmada iyo Saldhigga Ciidamada Bariire,waxaana la sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay degaanka uga baxeen dhanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Al-shabaab ayaa Dhowr jeer oo is xig xiga Weerar ku qaaday Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliska Ciidamada Xoogga dalka weli kama hadlin Ciidamada ka baxay Bariire,waxaana Ciidamada Xoogga ay Degaanka Bariire la wareegeen Bishii Agoosto ee la soo dhaafay.
dhanka kale Al-Shabaab ayaa xukun ku riday nin ay ku eedeeyeen inuu fal kufsi ah ka gaystay degaanka Mukeyle ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi.
Aadam Muxamed Macalim Mukhtaar oo ku Magacdheer Aadam Boorow 18 jir ah, waxaa qaadiga Maxkamada Shabaab uu sheegay inuu qirtay falka kufsiga ah inuu gaystay.
Maxkamada ayaa ku xukuntay Boqol Karbaash, Qaalin Geel ah oo 3 jir ah, waxaana intaasi u sii dheereyd in deegaanka muddo sanad ah ninkaasi laga masaafuriyay.
Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay.