Home Afsomali Alshabaabboo dagaal qaraxyo ku bilowday kula jarmaaday galcad

Alshabaabboo dagaal qaraxyo ku bilowday kula jarmaaday galcad

Dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegay in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan ku billowday weerarka qaraxyada uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana aad u adag in la ogaado tirada rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u xun.

Waxaa lasoo sheegaya in illaa hadda weli meelo kamid ah Galcad laga maqlayo rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Galmudug oo la xiriira weerarkan.

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Previous articlefadeexad Mushaarkeygii Taliye Xijaar ayaa qaatay , xaalka ka jira ciidanka dhexdiisa waa sidaan “
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Taliye kuxigeenkii Ciidanka DANAB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.