Home Afsomali Amb. Ameeriko oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha...

Amb. Ameeriko oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ( DAAWO SAWIRADA )

amerika1 (1)

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur Ina Cali Ameeriko ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan 2016.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotelka City Palace ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Baarlamaanka, Xisbiyada siyaasada, odayaal, waxgarad, Haween, dhalinyaro iyo Culumaa’udiin.

amerika5

Xubnihii ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Nuux (Tima Jilac) oo ah Guddoomiyaha Midowga Xisbiyada siyaasada, waxaana ay isla qireen Waxqabadka iyo Kartida Maamul ee Danjire Maxamad Cali Ameerika oo leh shaqsiyad nadiif ah,isla markaana u qalma Hogaaminta Wadanka.

amerika3

Amb. Maxamad Cali Ameerika oo gaba gabadii ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn ka hadlay xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, in xilligan loo baahan yahay is bedel muuqda laga hirgeliyo dalka, si dalka uga baxo dhibaatooyinka soo daashaday, isla markaana Soomaaliya la tartanto dalalka horumaray.

amerika

Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Ameerika ayaa balan qaaday hadii loo doorto xilka Madaxweynaha in qorshihiisa ugu horeeya uu ka dhigi doono wax-ka-qabashada Amniga iyo Cadaaladda, taasoo markii uu ka dhawaajiyay ka-soo-qeybgalayaashii munaasabada ay aad ugu sacba-tumeen.

amerika2

“Waxaan ballan qaadayaa haddii la ii doorto xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa wax ka qaban doonaa Amniga iyo Garsoorka oo ah arrimaha ugu culus ee dalku halakeeyay”ayuu yiri Amb. Maxamed Cali Ameerika.

amerika1 (1)

Intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa kooxaha fanaaniinta ee ka qeyb galay ay ku soo bandhigeen heeso wadani ah oo muujinaya waxqabadkii diblomaasiyadeed ee Danjire Maxamed Cali Ameerika, xilligii uu ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiyay Soomaaliya.

amerika4

Si kastaba ha ahaatee hadal haynta Musharax Maxamad Cali America ee ku aadan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaliya ayaa isa soo tareysay todobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo ay dadka Soomaaliyeed ku tilmaameen Mas’uulka kaliya ee ay ku han-weyn yihiin inay Soomaaliya ka baxdo colaadaha burburka iyo habacsanaanta Dowladnimo iyo Amni-darida ku raagtay.

58 COMMENTS

Leave a Reply to SUmeeya Mohamedd Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.