Wararkii ugu dambeeyey ee arinta mooshinka LA xariirta ayaa sheegaya in masuliyada kulanka Golaha Baarlamaanka ay qaadeen saraakiil Ka tirsan amisom kuwaa oo u Kala dab qaadayay gudoonka is khilaafsan ee Baarlamaanka waxayna xaqiijiyeen in aybisla ogolaadeen qabsoomida kulanka xildhibaanada Baarlamaanka
Oo La filayo in ajandihiisu noqdo in codcod look qaado Jawaari kaasi OK Ka dambeeyey markii at xildhibaano isku fakir ah mooshin Ka gudbiyeen
Dhanka kale Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa caawa la xiray, iyadoo ay taagan tahay cabsida la xiriirta dhibaatada ka dhalan karta kulanka beri la filayo iney iskugu yimaadaan xildhibaanada golaha shacabka.
Boqolaal ka tirsan ciidamada amaanka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa caawa la dhigay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyagoo xiray jidadka qaar halka kuwo kalena ay ku howlan yihiin iney xiraan iyadoo laga cabsi qabo falal amaan daro.
Gudoonka kala qeybsan ee baarlamanka ayaa midba goonidiisa u sheegay in la qaban doono beri fadhiga Baarlamanka iyagoo shaaciyey in looga hadlayo labo ajende oo aan is waafaqsaneyn.
Gudoomiye ku-xigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa sheegay in kulanka beri looga hadlayo ajende ku saabsan mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ee ka yaalla Gudoomiye Jawaari.
Dhinaca gudoomiye Jawaari oo horey u shaaciyey inuu buray Mooshinkii laga keenay ayaa iyana caawa sheegay in beri uu jiro fadhiga Baarlamanka loogana hadlayo arinta B/xaawo.
Labada garab oo muddo dheer fariimo hanjabaad ah hawada isu marinayey ayaa mid walba waxaa uu sheegay in kulanka Baarlamanka uu ka dhici doono xarunta golaha shacabka.
Dadweynaha magaalada Muqdisho oo si weyn ugu jahwareeray xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamanka ayaa jeclaan lahaa iney arkaan ismari waaga taagan oo la soo afjaray, iyagoo ku daalay hadalada kulul ee ay hawada isu marinayaan dhinacyada is haya oo niyad jab badan abuuray.