Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Farmaajo ayaa warqado u diray Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo uu kaga codsanayo qabashada kulan deg deg ah oo wadajir la isugu yeero Xildhibaanada Labada Aqal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoonka labada Aqal in maalinta Sabtida oo ku beegan 21 bisha October la isugu yeero xubnaha labada Aqal, si uu khudbad ku aadan xaalada dalka ugu jeediyo.