Home Afsomali Aqriso Qaraxyadii dalka ka dhacay 4tii sano ee ugu danbeeyey goobii iyo...

Aqriso Qaraxyadii dalka ka dhacay 4tii sano ee ugu danbeeyey goobii iyo weliba waqtiyadii ay dhaceen

qarax-yadii

Afartii Sano ee uu Hogaanka Dalka la Habaabay Xasan Sheekh iyo Khasaaraha ka

dhashay 47 Qarax oo dhacay  Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare)

Bismillah.

Walaalayaal waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa 47 Qarax oo dalkeena ka dhacay

4-tii sano ee la soo dhaafay dad badan oo qiimo lahaana ay ummada Soomaaliyeed

ku weysay.

Cid kasta oo dooneysa in ay faafiso warbixintan sida TV, RADIO, JOORAAL, WEBISTE

IWM waxay u heysataa FASAX BUUXA. Mahadsanidiin.

QARAXYADII DALKA KA DHACAY MUDADII 4-ta SANO AHEYS EE UU MADAXWEYNAHA AHAA

MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD :

QARAXYADA DHACAY SANADKII 2012

1}. Sep. 11, 2012:- Maalin kadib Markii lagu dhawaaqay Xasan Shiiq Maxamuud in

uu yahay madaxweyanaha soomaaliya ayaa Qarax ismiidaaamin lagu qaaday Hotelka uu

Dagnaa Madaxweynuhu.

2}.September 20, 2012:- Qaraxyo Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Maqaayadda The

Village oo ku dhegan guriga Hooyooyinka, 16 qof oo wariyaal ay ku jireen ayaa

dhintay. Saxafiyiinta la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen waxaa ka mid ah Madaxa

Wararka ee TV-ga Qaranka Liibaan Cali Nuur, wariye C/sataar Daahir Sabriye oo

isna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, iyo sidoo kale

agaasimihi Radio VOD ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Yaasin Cali, Waxaa kaloo

halkaas ku dhintay Marxuum Maxamed Xirsi Dhuunkaal iyo dad kale.

3}.October 12, 2012:- Qaraxan ayaa waxaa bartamaha Magaaladda lagula eegtay

ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo Roondo ku marayay gudaha Magaaladda.

4}.December 14, 2012:- Qof shacab ah ayaa ku dhintay 10- qof kalena way ku

dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay

agagaarka isgoyska shaqaalaha ee waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

QARAXYADA DHACAY SANADKII 2013

5}.January 29, 2013:- qof naftiis halige ah ayaa isku hor qarxiyay irida hore ee

Xafiiska Ral’isal wasaaraha . qaraxaas oo sababay Qasaaro Fara badan .

6}.Maarso 01, 2013:- Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay maqaayad ku taal

xeebta Liido oo lagu magacaabo Indian Ocean iyadoona qaraxyadaasi ay sababeen

khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

7}.Maarso 18, 2013:- Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay 10-qof oo shacab iyo

askar isugu jiray uu ka dhacay afaafka hore ee Ex-fiyooraha, kaasoo lagu

weeraray taliyihii hore ee nabadsugidda gobokla Banaadir, Khaliif Axmed Ereg,

8}.Apr 14, 2013:- weerarkii bishii April ee sannadkan lagu qaaday dhismaha ay ku

shaqeyaan maxkamadaha dalka, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo

isugu jiray garsoorayaal iyo dad dacwado isku haysta.

9}.MAY 5, 2013:- Ugu yaraan 12-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay, askari

ka tirsan ciidamada nabadsugidda Qaranka, haweeney iyo ilmo yar oo ay wadatay

ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada

Muqdisho, sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

10}.JUNE 19, 2013:- weerarro is-miidaamin iyo kuwo toos isugu jiray lagu qaaday

xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen 15-qof

oo isugu jiray shaqaale ajnabi ah oo xaruntan ka howlgalayay, ciidamadii

ilaalada ka hayay, dad shacab ah iyo xoogaggii weeraray.

11}.JUNE 2013:- Sidoo kale, bishii Juun ee sannadkaas waxaa iyadana weerar

gaadmo ah lagu qaaday gaadiid ay wateen shaqaale Turki ah.

12}.July, 27- 2013, waxaa weerar ismiidaamin ahaa lagu qaaday qunsuliyad ay

dowladda Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkasoo ay ku dhinteen laba qof oo

midkood uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Turkiga iyo wiil arday Soomaaliyeed

ah oo halkaas marayay.

13}.August 04, 2013:- Ugu yaraan labaatameeyo qaraxyo ayaa Xilli Habeen ah

siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo

geystay khasaaro Farax badan.

14}.September 7, 2013:- Labo Qarax oo ka dhacday Banaanka maqaayadda The Village

ee Guriga Hooyooyinka ayaa waxaa ku Dhimatay 18 Ruux dhaawaca waxa u gaarayay 30

ruux inta la xaqiijiyay.

15}.September , 2013:- Qarax ismiidaamin ah o ka dhacay Dagmada Deyniile kaas oo

lala eegtay Ciidanka Dowladda oo mushar Qaadasho Saf Dheer ugu jiray.

16}.NOVEMBER 2013:- Xilli fiid ah ayaa qaraxyo is-miidaamin ahaa waxay ka

dhaceen afaafka hore ee hoteelka Maka Al-Mukarama kuwaasoo ay ku dhinteen afar

qof, 15-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

17}.DECEMBER 2013 :- Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa bishan December lix qof oo

ay ku jireen Saddex dhakhtar oo u dhashay dalka Suuriya ku dileen duleedka

Muqdisho.

18}.DECEMBER 27-di 2013:- Ugu dambeyn, maalintii Jimcaha ahayd ee 27-kii bishan

December wuxuu qarax miino oo dilay 11-qof ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda

Ban-gala ee degmada Dayniile, waxaana dadka ku dhintay ku jiray sarkaal ka

tirsanaa ciidamada dowladda.

QARAXYADII DHACAY SANADKII 2014

19}.January 1, 2014:- Qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa lagu qaaday Hotel Jazeera

waxaana ku dhimatay 5 ruux inta la xaqiijiyay dhaawacana waxa uu ahaa 11 ruux oo

labo Xildhibaan aheyd. Qaraxaas ayaa bartimaameedkiisu lagu sheegay in uu ahaa

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda G/ Banaadir Gen. khaliif Ahmed Erag.

20}.February 21, 2014 :-Duhur Cad Waxaa weerar iyo QaraxyoIsxig Xigay lagu soo

qaaday Aqalka Madaxtooyada Somaliya Xilligaas uu Xasan Shiikh ka Badbaaday

iskuday Dil.

21}.May 3, 2014:- Waxaa Qarax gaari lagu dilay Xoghayihii Gobolka Banaadir

Cabdikaafi Hilowle Cismaan Xilli uu maraayay Isgoyska Lamber Afar ee Magaalada

Muqdisho.

22}.May 5, 2014:- Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbe ayaa asoo saartay in ay

soomaaliya Amaan aheyn la iskuna Haleyn Karin.

23}.May 24, 2014:- Waxa ay Kooxo hubeysnaa Weerar culus ku qaaden Xarunta

Baarlamaanka Dalka Xilli 11:30 subaxnimo ay aheyd islamarkaana ay ka doodayeen

Heshiis ay wada galeen Wasaaradaha Gaashandhiga Somalia iyo Talyaaniga.

24}.July 8, 2014:- Al-shabaab ayaa xilliga Maqrib ah Weerar Culus ku qaaday

Madaxtooyadda Soomaaliya ee (Villa Somalia),ilaa saddex qarax iyo rasaas xooggan

ayaa laga dhex-maqlay madaxtooyada. Wareerka ayaana qaatay Saacado badan,

Isla Bisha July oo sanadkaas ku soo aaday Xilli Soon ah ayaa Haben walba

Muqdisho waxaa ka dhici jiray Bambo iyo Dilalka Qorsheysan.

25}.September 8, 2014:- Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa weeraray Kolanyo

Gaadiidka Amisom iyo Maamulka Shabeelaha Hoose Duleedka Caasimada Muqdisho

iyadoo Qasaaro Badan uu ka dhashay Weerarkaas.

26}.December 27, 2014:- Waxaa Weerar lagu qaaday Xeradda Xalane oo Air-port

kutaal wareerka aya qaatay saacado fara badan ayadoo la sheegay in ay Amisom ay

Wax yeelo ka so gaartay Wareerkaas.

QARAXYADII DHACAY SANADKII 2015

27}.January 22, 2015:- Gaari Qarax loo adeegsaday ayaa lagu Weeraray Hotel Syl

ee magaalada muqdisho Xilli malin ka dhib u imaaday Madaxweynaha Turkiga Rajab

Dayib Urdogan .

28}.Feberaayo 20, 2015:-Waxaa Dhintay Xildhibaano iyo Masuuliyiin Ka Tirsan

Dowlada Waxaana Dhaawacmay Masuuliyiin Fara Badan oo u ka mid ahaa Ra’isal

Wasaare ku Xigeenka Dalka iyo Wasiiro kale Xillli ay ku sugnaayeen Hotel Central

ee magaalada muqdisho oo Baabuur Qarax ah lala eegtay.

29}.March 11, 2015:- Goor habeen ah ayaa waxaa uu qarax ka dhacay agagaarka

Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu, labo qof ayaa ku dhaawacntay

qaraxaas, waxaa sidoo kale ku burburay Hanti badan.

30}.March 27, 2015:- Koox si weyn u hubeysan ayaa xilli casar ah weerartay hotel

Makka Al Mukarama, kadibna gudaha u galay, halkaasi oo ay ka dagaalamayeen 12

saacadood.

Masuuliyiintii ku geeritoytay waxaa ka mid ahaa

-Yuusuf barabari {safiirka Soomaaliya u fadhiyey Geneva xarunta xuquuqda

aadanaha ee Qaramada Midoobe }.

31}.April 21, 2015:- 9 qof oo ayaa dhimatay 7 kalena waa ay ku dhaawacantay

Qarax lagu weeraray Maqaayadda Banooda ee ka soo horjeedka Hotel Central oo

asina horay loo weeraray.

32}.July 10, 2015:- Labo weerar oo mataano ah oo ay u muuqatay in hal meel laga

hagayay ayaa lagu qaaday labada hoteel ee kala Siyaad iyo Weheliye, 18 qof ayaa

ku dhimatay halka 25 dhaawaca uu ka badnaa.

33}.July 26, 2015:- Ugu yaraan 15 qof oo rayid u badnaa, ayaa ku geeriyooday

halka dhaawacana uu ahaa 30 ruux weerarkii ismiidaaminta ahaa oo lagu qaadey

Hotel Jazeera Ee Magaalada Muqdisho.

34}.September 21, 2015:- Qarax ka dhacay Hotel SYL iyo Afafaafka Madaxtooyada,

11 ayaa la xaqiijiyay, C/qaadir Gabeyre iyo nin ay Saxiibo ahaayeen oo heystay

dhalashada Poland ayaa goobta ku dhintay, Labada nin ayaa rabay in ay Muqdisho

ka hirgeliyaan Hotel Casri ah, Soomaali iyo Turki ayaa sidoo kale la sheegay in

dhimasho iyo dhaawac soo gaareen, waxaa kaloo burburay Hotel SYL, Gadiid iyo

xitaa Madaxtooyada.

35}.November 1, 2015:-Qaraxyo iyo Weerar Saacado qaatay ayaa waxa uu ka dhacay

Hotel Saxafi ee magaalada muqdisho. Waxaana ku Geeriyooday Weerarkaas Gen.

Dhagabadan ,Ninkii lahaa Hotelka Cabdirashiid Ilqeyte , Xildhibaano, Wariyeyaal

, iyo Dadkale oo Shacab ahaa.

QARAXYADII DHACAY SANADKAN 2016

36}.January 2, 2016:- Ruux Naftii Halige ah ayaa isku Qarxiyay Maqaayadda The

Village ee guriga Hooyoyinka kutaala waxaana ka dhashay Qasaaro fara badan.

37}.January 21, 2016:- Weeraro ka dhacay Liido, goor Maqrib ayaa weerar lagu

qaaday Maqaahida Sea Food ee xeebta Liido, waxaa halkaas joogay dad shacab ah,

ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawaca uu kor u dhaafay 40 qof.

38}.Xilli maalmo kadib uu Xasan Shiikh u Duulay Kenya si uu uga Qeybqaato aas

Qaran oo loo sameynaayay Ciidanka Kenya ee lagu dilay Weerarkii Ceel Cadde ee

soomaaliya.

39}.February 26, 2016:- Laba Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu

weeraray meel ku dhaw Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana barbar socday

rag hubeysan oo la sheegay inay damacsanaayeen gudaha inay u galaan Hotelka,

waxaa halkaasi ku dhintay dad ku dhaw 10 iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan

20 ruux.

40) Maarso 31, 2016 Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa

lagu dilay Xisaabiyihii Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Marxuum Siciid Cali

Yusuf Gaadayare

41}.June 1, 2016:- hotel Ambassador dharaar cad ayaa weerar lagu qaaday waxaana

lagu jiray mudo dhan 10 saacadood ah waxaana ku dhintay 15 of ayaa ku dhimatay

dhimashada qeyb ka ahaa labo Xidhibaan oo kala ahaa

Xildhibaan Kaba weyne

Xildhibaan Guure

Dhaawaca waxa uu garayay 50 ruux.

42}.june 25, 2016 :- Hotel Naasa-hablood one magaalada muqdisho ayaa la weeraray

waxaana laheystay mudo saacada ah waxaana ku dhintay inta laxaqiijiyay 15 ruux

oo uu ku jiro Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra.isal wasaaraha Burci maxamed Xamza

dhaawaca aya gaarayay ilaa 25 ruux oo ay ku jiraan dad aan wadanka ila hada

waxba looga qaban oo iska yaala qaar ka mid ah isbitaaada muqdisho.

43}.July 26, 2016:- maalintaa waxaa dhimatay 13 ruux waxaana dhawacantay 35 qof

badankood ayaa ahaa askar ciidan waxaana lagu weeraray labo gaari oo waxaxa

qarxa laga soo buuxiyay agagaarka Garoonka Adan Cadde ee muqdisho.

44}.July 31, 2016:- Waxaa Weerar lagu Qaaday Xarunta Danbi Baarista Ee

{CID}weerarka ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

45}.August 21, 2016:- weerar ismiidamin ah waxa uu ka dhacay \magalada Galkacyo

ee Gobolka Mudug waxaana ku dhamaaday Dad danyar ah waxa uuna kacdhacay

Qaraxyada mid ka mid ah Meel Suuq u dhaw.

46}.August 26, 2016:-waxaa weerar lagu qaaday baar lagu magacaabo Banaadir Beach

waxaana uu weerarka sacday mudo saacada ah waxana weerarkaas ku dhimatay 9 ruux

halka dhaawacan uu gaarayay ilaa 11 ruux.

47}.August 30, 2016:- waxaa markii afaraad la weeraray Hotel Syl Magalada

muqdisho waxana Malinkaa la Werarayay Hotelka ka socday Shir looga haylaayo

Amaanka Dalka waxaana Weerarka ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac fara Badan.

FG: waxaa shaqo ku socotaa oon iyana soondaabici doonaa inta baabuur ee qarax

lagu xiray laguna dilay, Xildhibaanada la laayay iyo weerarada goos gooska ah ee

dalka ka dhacay.

XASUUSNOOW : Qarixii ugu horeeyay ee dhacay maalin ka dib doorashadii

madaxweynaha wuxuu Madaxweynuhu yiri saxaafada ka yiri “This explosion will be

the last of it’s kind” oo macnaheedu yahay: Qaraxani wuxuu noqonayaa midki ugu

dambeeyey Qarax nuuciise ah ee dhaca.

Mahadsanidiin.

By.Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare)

2 COMMENTS

Leave a Reply to Jãmá Mõüßē Jmc Qørâh Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.